dhankooda ergooyinkii iyo odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa soo saaray warmurtiyeed ay ka soo saareen shirwaynihii wadatashiga iyo xog iswaydaarsiga xukuumada iyo shacabka kaasi oo ku salaysnaa dhibaatooyinkii sanadihii hore soo daashaday shacabka deegaanka gaar ahaan dhinacyada nabadgalyada dhibaatooyinkii uraradii nabaddiidka ahaa ee ka dhaq-dhaqaaqijiray deegaanka ay ku hayn jireen shacabka deegaanka sida dhicii, dilkii, kufsigii iyo xasuuq wadareedyadii ay UBBO iyo alitixaad ku hayn jireen shacabka deegaanka iyo maamul xumadii ka jirtay degaanka ee aan awoodayn in ay shacabka deegaanka ka ridaan nabaddiidka dhiiga ka jaqayay.
sidoo kale warmurtiyeedkan ayaa tibaaxayay guulaha dhinacyada badan ee sanadihii ugu danbeeyay ay xukuumada DDSI haatan ka arimisa ka gaadhay dhinacyada nabadgalyada horumarka, maamul wanaaga, xidhiidhka dadwaynaha dalka iyo dibadaba iyo waliba sii joogtaynta guulahaasi, ergooyinka iyo odayaasha dhaqameedka deegaanku waxay si mug leh ugu mahad celiyeen hogaaminta xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar, hogaaminta JDFI oo u ugu horeeyo Raysal-wasaaraha JDFI mudane Hailemariam Desalegn iyo qaarka mid ah dawlad deegaanada dalka sida balaadhan ee ay uga qayb-qaateen ka samatabixinta xaaladaha abaarta shacabka deegaanka ee abaaruhu saameeyeen
Ugu danbayntii waxay balan qaadeen ergooyinka iyo odayaal dhaqameedka deegaanku in ay sii xoojinayaan kuna fara adaygayaan hawlaha nabadgalyada, horumarka iyo maamulka suuban ee ka hirgalay deegaanka gabagabadiina waxay ergooyinka iyo odayaal dhaqameedka DDSI abaalmarin sharafeed gudoonsiiyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud cumar
Comments are closed