Wasirka Xafiiska Waraabka iyo Horumarinta Dooxooyinka DDSI Oo Sheegay In Guulo Laga Soo Hooyiyay Barnaamijka Dajinta.

Jigjiga (estvlive) 16/05/2017

Wasiirka xafiiska waraabka iyo Horumarinta Dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Maxamed Xasan (khayre) oo xafiiskiisa ugu waramay warbaahinta deegaanka  ayaa sheegay in guulo waawayn oo dhaxal gal ah laga soo hooyiyay guud ahaanba barnaamijdka dajinta sanadihii ugu danbeeyay gaar ahaana sanadkan aan ku jiro ee 2009TI. wasiirka ayaa sheegay in sanadkan la dajiyay gobolada laga wado dajinta bulsho   dhan 12,000 taasi oo ah qorshihii u yaalay xafiiska sanadkan islamarkaana loogu guulaystay sidii loogu talagalay, wuxuuna sheegay in dhinaca kale lagu guulaystay adeegyadii aas aasiga ahaa ee bulshada la dajinayo la gaadhsiinayay sida adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha nadiifta ah si ay u noqdaan qaysas dagan oo wax soo saar leh.

Dhinaca kale waxa uu wasiirku sharax dheer ka bixiyay mashaariicaha horumarka waara (SDG) gaar ahaan mashaariicaha waraabka ee Baka, Goomaar, wijiwaaji iyo Maraacaatokuwaasi oo dhawaan uu xadhiga ka jaray Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, waiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dhamaan mashaariicahaasi lagu guulaystay loo hirgaliyo sidii loogu talagalay balse hadda lagu guda jiro sidii bulshada looga faa’iidayn lahaa mashaariicahaasi taasi oo ah in dhulbeereedkii ay waraabin lahaayeen mashaariicahani la hirgaliyo si ay bulshada ugu soo saaraan wax soo saarka beeraha oo ah tubaha lagaga baxayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.

Ugudanbayntii, wasiirka ayaa tilmaamay in waxsoosaarku uu yahay qorshayaasha waawayn ee uu dalku xooga saarayo islamarkaana bulshadu ay kunoqonayaan kuwa iskufilaansho gaadha. Wuxuuna kula dardaarmay dhamaan bulshada deegaanka in laga faa’iidaysto biyaha cirka iyo kuwa wabiyada iyo waliba mashariicahan biyo-xidheenada ee waraabka ee Baka, Goomaar, Wiji-waaji iyo Maraacato.

Comments are closed