Ivory Coast: Ciidamadii Gadoodka waday oo la heshiiyey dowlada

Ivory Coast (estvlive) 17/05/2017

Ciidamadii gadoodka ka waday dalka Ivory Coast afartii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa dib ugu noqday xarumahooda, kadib markii ay heshiis cusub la galeen Xukuumada.

Askartan gadoodka sameysay oo gaareysay 8.400 askari ayaa dib uga baxay magaalada Bouake oo ah magaalada labaad ee dalkaasi oo ay wadooyinkooda xireen maalmihii lasoo dhaafay.

 

Sarkaal Salaasadii shalay u hadlay kooxda gadoodka waday ayaa sheegay inay aqbaleen xalka ay xukuumada keentay oo ah in hada lasiiyo qeyb kamid ah lacagtii ay sheeganayeen, halka qeybta labaad lasiin doono bisha soo socota.

Kooxdan Ciidanka ayaa u badan maleeshiyaadkii taageersanaa Madaxweynaha xilka Alassane Ouatara.

Ciidamadan ayaa gadoodkooda ugu horeeyey sameeyey bishii Janaayo xiligaasi oo loo balan qaaday lacagta dheeraadka ah ee mushaharkooda oo ay sheegeen inaan weli lasiin. Askartan ayaa loo balan qaaday in lasiin doono 8000 dollar midkiiba.

Comments are closed