Shiinaha Oo Hal Milyan Oo Dollar Ugu Deeqay Barakacayaasha Soomaaliyeed

Muqdisho (estvlive) 17/05/2017

Dowladda Shiinaha ayaa hal milyan oo dollar  ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku barakacay, taasi wax loogu qaban doono dadka nugul iyo kuwa degaamadooda dib ugu laabanaya, iyadoo lacagtaasi la soo marsiinayo Hay’adda Qaramada IOM

Agaasimaha guud ee IOM William Laacy Swing ayaa sheegay in lacagtan sidoo kale wax loogu qaban doono arrimaha bani’aadanimada ee ka jirta degaamadda Soomaaliya, lagu taageeri doono dad gaaraya shan iyo tobon kun oo qof.

 

Saxiixa heshiiska waxaa qalinka ku duugay Wasiirka ganacsiga dowladda shiinaha iyo madaxa hay’adda IOM, wuxuuna  ka dhacay Caasimadda Beijing, wuxuuna ahaa shir  doceen xilli ay ka qeybgalayeen shirkii socdaalka iyo ganacsiga ee ka qaybgaleen madax sare oo adduunka

Gabagabadii, dowladda shiinaha oo xiriir fog la leh dadka Soomaaliyeed ayaa Safaarad ku leh magaaladda Muqdisho, waxayna kaloo ka mid ah wadamada Ilaaliya badda Soomaaliya, iyadoo dhawaana ciidamada baddu ay saddex burcad-badeed ah ku soo wareejiyeen dowladda Puntland.

Comments are closed