Erdogan ayaa sheegay in Maraykanka iyo Turkiga xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo balse sheegay in uu doonayo in xal loo helo qodobada ay isku khilaafsan yihiin oo ay ugu horeyso taageerada militari ee uu Maraykanka siiyo Jamhada Kurdida Siiriya YPG oo uu Turkiga u arko koox argagaxiso oo khatar ku ah amnigooda gudaha.
Sidoo kale Madaxweynaha Turkiga ayaa markale ku celiyey inay doonayaan in Maraykanka usoo gacan geliyo hogaamiyaha kooxda FETO ee wadaadka Fetullah Gulen oo ay ku eedeeyeen inuu ka danbeeyeen inqilaabkii fashilay ee sanadkii lasoo dhaafay.
Trump ayaa dhankiisa sheegay in Turkiga ay kala shaqeyn doonaan la dagaalanka kooxaha Argagaxisada sida kooxda kurdida ah ee PKK, balse kama hadal kooxda Kurdida siiriya ee YPG labadaasii kooxood oo ay Turkida u arkaan inay yihiin kuwo isku mid ah.
Maraykanka ayaa hubeeyey kooxda YPG iyagoo doonaya in kooxdaasi ka qeyb qaadato la dagaalanka kooxda Daacish iyo dib u xoreynta magaalada Raqqa ee waqooyiga Siiriya.
“…Hubeynta kooxdan Argagaxisada ah ayaa ka hor imaaneysa dhamaan heshiisyadii caalamiga ahaa ee la dagaalanka ururada argagaxisada ah….’ ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
Comments are closed