USA: Madaxii FBI ee xilka laga qaaday oo la filayo inuu soo bandhigo cadeyn ka dhan ah Trump

Mareykanka (estvlive) 17/05/2017

Madaxii hay’ada danbi baarista Maraykanka ee FBI James Comey ayaa lagu wadaa inuu dhawaan hortago Guddiyada Baarlamaanka si uu uga hadlo wixii dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Donald Trump.

Trump ayaa todobaadkii tagay xilka ka qaaday James Comey kadib markii uu ka diiday Donald Trump codsi ahaa inuu joojiyo baaritaanka FBI-da ku wado xiriirka ka dhaxeeya Ruushka iyo Guddigii Trump ee ololihiisa doorashada.

 

Jaraa’iidka New York Times ayaa shaacisay xog ay ka heshay xubno ku dhaw dhaw James Comey oo sheegaya in Mr.Comey uu qoraal ku qoray codsigii uga yimid Trump oo ahayd inuu joojiyo baaritaanka uu ku waday Gen.Flynn latliyihii hore ee Trump iyo xiriirkii uu la lahaa Ruushka.

Qoraalkan Comey ayaa dhaawici kara Madaxweyne Trump maadaama sharciga Maraykanka u yaal uu qorayo in Madaxweynaha uusan faraha la geli karin danbi baarista, waxayna kamid tahay qodobada xilka looga qaadi karo Madaxweynaha hadii lagu helo inuu jabiyey sharuucda Dastuuriga ah.

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa beeniyey xogtan cusub ee Jaraa’idka New York Times shaaciyeen.

Madaxtooyada Maraykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhexda uga jiray fadeexada kale ee ah in Trump sir muhiim ah la wadaagay Ruushka xiisadaasi oo iyaduna weli taagan.

Comments are closed