ITOOBIYA: Maxkamad Xukun Ku Riday 23 Qof Oo Lala xiriiray Al-shabaab.

Addisababa (estvlive) 18/05/2017

Maxkamada sare ee Federaalka Ethiopia ayaa 15 sanno oo xabsi ah ku xukuntay 23 qof oo lagu eedeyay inay  ahaayeen Shabakad ballaaran oo gudaha dalka howlgalaysay, xiriirna la lahaa Kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya Ka howlgasha

Maxkamada,ayaa eedaysanayaashan oo la xiray saddex sanno ka hor ku eedaysay inay qorshaynayeen in falal argagixiso ay ka fuliyaan wadamada bariga afrika  oo ku jirto dalka ethiopia.

 

Wakaaladda wararka ee FANA oo ayaa maxkamada ka soo xigatay in saddex ka mid ah raga la xukumay ay qorshaynayeen in ay dowladda Islaami ah ka asaasaan dalka ethiopia

Wakaaladu waxay intaa ku dartay in saraakiisha Maxkamadu ay sheegeen in eedaysanaashu ay ahaayeen shabakad isku xiran oo  ka howlgalayay ilaa lix magaalo oo ay ku jirto caasimadda Adis-ababa intii u dhexaysay 2010 ilaa 2014, waxaa kaloo lagu eedeeyay in dagaalyahano ka qorayeen gudaha ethiopia ka dibna loo dirayay gudaha Soomaaliya si tababaro loo soo siiyo, dibna loogu soo celiyo dalka Ethiopia

Dowladda Ethiopia oo xuduud dheer la leh Somaliya ayaa inta badan ka dhicin qaraxyo iyo falal kale oo argagixisnimo marka la barbar-dhigo Dalka Soomaaliya iyo Kiiniya, waxaana arrimahaasi loo anaynayaa in sirdoonka ethiopia uu aad uga xoog iyo khibrad badan yahay kuwa gobolka.

Comments are closed