Raisi ayaa ku doodaya in dalalka reer Galbeedka ay kasoo bixi waayeen balantoodii, isla markaana xukuumada talada heysa ee Madaxweyne Rouhani aysan waxna u qaban dadka saboolka ah.
Rouhani ayaa ugu baaqay shacabka IRAN inaysan dooran murashaxa Xagjirka ah.
Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee IRAN Khumeyni oo xaaladiisa caafimaad beryahan liidatay ayaa shacabka dalkaasi ugu baaqay inay codkooda dhiibtaan, xili la hadal hayo inuu si hoose u taageerayo Murashax Raisi oo ay garab taagan yihiin hogaamiyayaasha mayilka adag ee Militariga iyo Shuurada dalkaasi.
Golaha Sare ee kala saara murashaxiinta doorashada ka qeyb galeysa ayaa horey tartanka uga reebay Madaxweynihii hore Ahmedinajad oo isagu laftiisa sanadkan doonayey inuu tartanka galo, arrintaasi oo la rumeysan yahay inuu ka danbeeyey hogaamiyaha ruuxiga ah ee Khumeyni.
Comments are closed