Magaalada Kismaayo waxaa maanta u fariistay imtixaanaadka arday gaareeysa ilaa 300 kuwaa oo ka kala yimid dugsiyada waxbarasho ee ku yaal magaalada.
Sidoo kale degmooyinka kale ee Jubaland ee ay ka arimiso dowlad goboleedka Jubaland ay maanta ardaydu u fariisteen imtixaanaadka.
Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad oo khudbad ka jeediyay munaasabaddii furitaanka Imtixaanka ayaa ku booriyay ardayda in ay dadaalaan oo ay waxbarashadooda sii wataan, isagoo sheegay in dhalinyaradu yihin rajada dalka, loona baahanyahay in ay masuuliyad iska saaraan dalkooda.
Raysul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta daahfuray Imtixaanaadka dalka, ayadoo raysul wasaaruhu sheegay in sanadkan ay imtixaanaadka shahaadiga ah ay u fariisanayaan arday ka badan 27,000.
Comments are closed