IRAN: Hassan Rouhani oo ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha

(

IRAAN (estvlive) 20/05/2017

Madaxweynaha xilka haya ee IRAN, Hassan Rouhani ayaa markale ku guuleystay doorashada Madaxweynaha, tartanka sanadkan ayaa ahaa mid aad u adag oo dhexmaray Rouhani iyo Murashaxa labaad ee Ebrahim Raisi.

Telefishinka dowlada IRAN ayaa maanta oo Sabti ah shaaciyey in ay dhamaatay tirinta inta badan cododka ay shalay dhiibteen shacabka IRAN, waxaana hada la saadaalinayaa in Rouhani uu ku guuleystay in ka badan 58% cododka, halka Raisi uu helay in ka badan 39% cododka.

 

Waxaa iyagu jiray labo murashax oo kale oo lagu kala magacaabo Mostafa Mirsalim iyo Mostafa Hashemitaba, balse kuwaasi ayaa helay tiro aad u yar ee cododka.

Waa guushii labaad oo uu gaaro Madaxweyne Rouhani oo afar sano kahor xilka sidan oo kale ugu guuleystay isagoo shacabka IRAN u balan qaaday in dalkaasi uu ka saari doono go’adoonka siyaasadeed iyo dhaqaale ee uu ku jiro. Hassan Rouhani ayaa ololihiisa diirada ku saaray in uu doonayo in wadanka IRAN ka baxo go’adoonka isla markaana xiriir wanaagsan la yeesho caalamka.

Ebrahim Raisi oo isago lagu tilmaamo Wadaad mayil adag ayaa ku dhaliilay xukuumada xilka heysa ee Rouhani ay ka dhabeyn weyday balan qaadkii ahaa shaqo abuurista, wuxuuna si weyn u dhaliilay heshiiskii barnaamijka Nukliyeerka oo uu sheegay in dhinaca reer Galbeedka ay kasoo bixi waayeen balantoodii. Raisi ayaa ololihiisa halheys uga dhigay iskufilnaansho dhaqaalo. Wuxuu sidoo kale u balan qaaday shacabka inay dowlada ka kabi doonto dakhligooda.

Waxaa see muuqata in Rouhani uu taageero xoogleh ka helay dhalinta wadankaasi IRAN oo dooneysa isbedal ah in wadankaasi ka baxo xayiraada saaran isla markaana caalamka wax la qeybsado.

In ka badan 40 milyan oo qof ayaa Jimcihii shalay codkooda dhiibtay, waxaana diiwaangashan in codka dhiiban karaan 56 milyan. Arrintan ayaa keentay in xalay wakhti dheer lagu daray xiliyada ay furan yihiin goobaha codbixinta, maadaama ay sanadkan codkooda dhiibteen tiradii ugu badneyd ee shacabka reer IRAN.

Comments are closed