Weerarkan ayaa la sheegay in ay fuliyeen rag isa soo miidaamiyey, waxaana qaraxyada u dhaxeeyey daqiiqado kooban, sida ay sheegeen dad goobtaasi ku sugnaa.
Booliiska ayaa tuhunsan inay weerarkan ka danbeyso koox lala xariiriyo Daacishta Aasiya, waana weerarkii ugu weynaa oo dalka Indonesia ka dhaca tan iyo sanadkii 2016.
Sanadkii hore ayey koox hubeysan oo ka tirsan Daacish weeraro ku qaadeen suuq ku yaal meel u dhaw safaarada Maraykanka, weerarkaasi oo ay ku dhinteen 4nin oo dabley ah iyo 4 qof oo rayid ah.
Comments are closed