Md Camey oo waraysi siiyay Telefishanka Universal TV wuxuu xusay in hay’adihii dhaqaalaha ku bixin jiray doorashooyinka Soomaaliya ay Albaabada ka xirteen dowladda Puntland, dowladuna ayan haysan dhaqaale ku filan oo ay ku qabato doorashadda
” waxaa loo baahan yahay in dadka la tiriyo , in xuduudihii lakala asteeyo, sanadiiqdii meelkasta la geeyo, Haddii 99 meelood uu ka dhaco oo hal meel ka dhici waayo taasi doorasho guud oo dadkii oo dhan codeeyay ma noqonayso” ayuu yiri Madaxweyne K/xigeenku, wuxuuna sii raaciyay
” amniga laftigiisa suurtagal noo noqon mayso in doorashadu ay Degaanka Galgalo oo kale ka dhacdo, sababo badan oo isbiirsaday waxaan u arkaa inayan suurtagal ahayn doorasho 2019ka” ayuu yiri Eng Camey.
Gabagabadii, Dowladda Puntland ee uu hoggaamiyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xiligii ay ku guulaystay doorashadii 2014kii, waxay ballanqaadeen in dalka ka dhici doonto doorasho ku dhisan nidaamka axsaabta badan, lagana guuri doono nidaamka qabaa’ilka taasi oo sida madaxweyne k/xigeenku sheegay uu muuqato rajo god gashay.
Comments are closed