Cafiska uu u fidiyey Siilaanyo Weriye Coldoon waxaa ka soo shaqeeyey Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland Cabdullaahi Geeljire iyo odayaal dhaqameed.
Weriye Coldoon waxa uu xariga ku mutey in uu tegey Muqdisho kulan la qaatey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed.
Coldoon ayaa ah weriye u dhaq-dhaqaaqa dadka taagta daran, dhaqaale u ururiya isla amrkaana xaaladooda banaanka soo dhiga, waana nin abwaan oo ah afkiisa ku cabira waxa uu qabo.
Xariga weriye Coldoon waxaa si weyn u canbaareeyey hay’adaha u dooda xuquuql insaanka, waxaana ay noqotey mid caqabad ku ah dimoqraadiyadda iyo xoriyadda hadalka ee Somaliland.
Comments are closed