Madaxweynaha iyo amiirka Qatar ayaa ka wada hadley xiriirka labada dal iyo iskaashiga, sidoo kale Amiirka dalka Qatar ayaa ballan qaadey taageero cusub oo lagu xoojinaayo taageeradii horey ay u siin jirtey Soomaaliya.
Sh. Tamiim ayaa ballan qaadey in ay Soomaaliya ka taageerayaan Amniga iyo dib u dhiska dalka, iyo weliba in ay Dowladda ka kabayaan Miisaaniyadda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah uu dib ugu noqdo Soomaaliya, kadib safar uu isugu marey Jabuuti iyo Qatar.
Comments are closed