Bisha Shacbaan ayaa maanta oo Jimce ah ku buuxda 30 maalmood, waxaana ay kamid tahay sababaha lagu soomo haddii xitaa aan bisha la arag.
Soomaaliya ayaa si weyn looga diyaar garoobey, waxaana kor u kacay dukaameysiga dadka isu diyaarinaya suxuurta iyo anfurka.
Ramadaanka sanadkan 2017 ayaa ku soo beegmaya xili roobku uu si wanaagsan uga da’ay guud ahaan Soomaaliya, xareedu ay ballitada waran tahay hawaduna tahay mid qaboow, inkasta oo weli dadku dareemayaan abaartii dheereyd ee laga soo baxay.
Ramadaanka ayaa kamid ah shanta tiir ee Islaamka waana cibaadooyinka mowsimka ku yimaada ee sanadkastana hal mar la soomo bisha Ramadaan 29-30 maalmood oo ah maalmo tirsan, sida Allaah qur’aankiisa ku xusay.
Bahda Horseed Media oo isku duuban waxay idin leedahay Ramadaan Kariim caf iyo caafimaad.
Comments are closed