Maalin kahor waxaa soo baxdey in hay’adda FBI ay baaritaan ku hayso Jared Kushner, baaritaankaas oo la sheegey in Kushner uu fure u yahay baaritaanka guud ee FBI ku hayso xiriirka ka dhexeeyey ololihii doorashada ee Donald Trump iyo Ruushka.
Joornaalka Washington Post ayaa maanta daabacay xog uu ka heley ilo ku dhaw baaritaanka oo sheegaya in Jared Kushner uu doonaayey in uu sameeyo khad sir ah (Back Channel) oo xiriiriya Aqalka cad iyo aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlinka.
Sida WP qortey Jared Kushner iyo Micheal Flynn ayaa isku dayey in ay adeegsadaan qalab isgaarsiinta ah oo Ruushku sameeyey (Russian communications equipment) si aan sirdoonka Maraykanku u ogaan xiriirka hoose, ama waddooyinka ay kuwada xiriiryaan Aqalka cad iyo Kremlinku.
FBI ayaa rumeysan in Jared Kushner uu hayo xogo muhim ah oo la xiriira baaritaanka.
Kushner waxa uu laba jeer wada hadal la yeeshey Safiirka Ruushka u fashiya Washington Sergej Kisljak, wada hadalkaas waxaa qayb ka ahaa lataliyihii amniga ee Trump shaqada ka cayriyey Bishii Feberaayo Micheal Flynn.
Comments are closed