Maxkamadda Ciidamadda Puntland Oo Dil Ku Xukuntay 5 Qof-

Garoowe (estvlive) 27/05/2017

 

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada ee 5ta Gobol C/Fitaax X. Aadan iyo Saraakiil kale ee Maxkamada Maxkamadda Ciidamada  Puntland ayaa  xukun dil toogasho ku riday  shan dhalinyaro ah oo dhawaan lagu qabtay iyagoo watay baabuur  ay saaran yihiin  Walxo qarxa  gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

 

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Col, C/fitaax Xaaji Aadan oo ku dhawaaqay xukunka maxkamada ayaa  sheegay in dhalinyaradan ayaa ka hor qirteen maxkamadda iney wateen walxahan qarxa ,qorshahooduna ahaa iney qaraxyo ka geystaan qeybo kamid ah magaalada Bosaso.

“maxkamadu markii ay dhagaystay qiraalka eedaysanayaasha, ayna ku qanacday qiraalk ay bixiyeen, Maxkamadu markii ay eegtay shareecada Islaamku waxay ka qabto, Edaysanayaashana lagu soo eedeeyay Baabuurkii qaraxyada Siday ee ciidamadu qabteen” ayuu yiri  Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamadda

Magacyadada dhalinyarada ay dilka ku xukuntay maxkamaddu ayaa lagu kala magacaabaa:

  1. Ibrahim Maxamed Cashuur 20 jir ah ku dhashay Afgooye
  2. Cabaas Ibrahim Yare Aadan 26 jir ah ku dhashay Baydhabo
  3. Dhaqane Aadan Cabdi Xadsan 20 jir ah ku dhashay Qansax-dheere
  4. Aadan Nuur Aadan Cali 27 jir ah ku dhashay Baydhabo
  5. Nuur Cabdi Aadan Isaaq 22 jir ah ku dhashay Aw-diinle

Gabagabadii, Bishii Hore ee aynu soo dhaafnay ayaa ciidamadda amniga Puntland waxay gacanta ku dhigeen baabuur siday waxyaabaha Qarxa iyo sha Nin oo la sheegay inay wataan, waxayna taliska booliisku sheegeen in la doonayay in walxan lagu qarxiyo goobo muhiim ah ku yaal Magaaladda Bosaso.

Comments are closed