Shirka oo sanadkan lagu qabtey dalka Talyaaniga ayaa Raysalwasaaraha dalkaas Paolo Gentiloni doortey in lagu qabto jasiirada Sicily oo ah meelaha ay qaxootigu sida ba’an uga degayaan sanadihii la soo dhaafey.
Raysalwasaaraha Ingriiska Theresa May ayaa iyadu si weyn u riixeysey in shirka laga soo saaro qodobo wax looga qabanayo Argagixsada gaar ahaan sida looga hortaagayo dhanka Internetka oo laga saaro dhamaan macluumaadkooda, xoogna la saaro in aysan adeegsan baraha bulshada (Social media), halka dalalka Jarmalka iyo Faransiisku ay xoogga saarayeen isbeddelka cimilada iyo taabo gelinta heshiiskii Paris.
Talyaaniga ayaa iyagu doorbidey in dhibaatada muuqata ee bini’aadanimo wax laga qabto, Talyaanigu waxa uu albaabka hore u noqdey Midowga Yurub waxaana soo gaarey Boqolaal kun oo ka soo talaabey Badda Dhexe.
Shirka waxaa lagu casumey madaxda qaar kamid ah dalalka qaarada Afrika oo ay kamid yihiin Kenya, Itoobiya, Niger, Nayjeeriya, Tunisa iyo qaar kale, dalalkan ayaa loo arkey halka ugu badan ee dhalinyaradoodu ka soo tahriibto waxaana shirka looga hadley in loo sameeyo barnaamijyo dhaqaale loogu abuurayo dhalinyarada si looga celiyo tahriibta.
Dhalinyarada tanriibta ah ayaa inta badan ka timaada dalalka Ereteeriya, Soomaaliya, Itoobiya iyo Gaanbiya, waxaana shirka lagu casumey oo keliya Itoobiya, dhalinyarada Kenya oo shirka lagu casumey ayaan kamid ahayn kuwa ay aafeysey dhibaatada Tahriibtu, waxaana la is weydiin karaa sababta dalka Talyaanigu u casumi waayey Madaxweynaha Soomaaliya.
Dalalka G7 ayaa kooban dalalka deeqaha bixiya, kuna hormarey wershadaha waxanaa kamid ah Maraykanka, Jabaan, Jarmalka, Ingriiska, Faransiiska, Talyaaniga iyo Kanada., waxaa la dhisey sanadkii 1975, Ruushka ayaa lagu soo darey sanadkii 1998, waxaase laga saarey 2014 markii ay qabsadeen Gacanka Kirimiya ee dalka Yukrayn sanadkii 2014.
Comments are closed