Tababarkan oo loo qabtay hogaaminta gobolada, degmooyinka DDSI iyo maamulka magaalooyinka DDSI ayaa waxaa furitaankiisii ka hadashay wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI Marwo Maajida Maxamed Maxamud oo ka warbixisay ujeedooyinka tababarkan iyo istaraatajiyadaha laga leeyahay taasi oo ah in si cad loo qeexo cid kastaana garato kaalinta uu shaqaaluhu ku leeyahay hirgelinta waajibaadyada shaqada iyo natiijooyinka laga sugayo shaqaalaha heerar-kooda kala duwan . Wasiirka ayaa sheegtay in masuuliyiinta maamulada gobolada iyo degmooyinka DDSI looga baahan yahay in ay kaalin tooda ka qaataan hirgalinta nidaamkani qiimaynta iyo darajo siinta shaqada si loo dar dargaliyo shaqooyinka haay’adaha dawlada layskuguna dheeli tiro shaqada iyo darajasiinta shaqada iyo sii xoojinta hirgalinta iyo hoos I dhaadhicinta maamulka suuban ilaa heer tuulo.
Dhankiisa Wasiir ku xigeenka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI mudane Xasan Aadan Xasan ayaa ka warbixiyay in barnaamijyada lagu horumarinayo lagu hirgalinayo qiimaynta iyo daraja siinta shaqatu tahay mid kor u qaadaya tayada adeegyada shaqada xafiisyada dawlada isaga oo sheegay in si loo xoojiyo awooda fulineed ee shaqooyinka lagu hirgalinayo qorshayaasha horumarineed ee dawlada in ay muhiim tahay in si cad loo tuso Hanaanka shaqaalaynta, dalacsiinta, bedelka iyo darajasiinta shaqada iyo dhaqangalinta nidaamka maamulka suuban . wuxuuna kula dar-daarmay hogaaminta gobolada iyo degmooyinka deegaanka ee tababarku u furmay in ay si habsamiya u qaataan kana hirgaliyaan xafiisyadii ay ka socdeen.
Dhankooda hogaaminta maamulada gobolada, degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI ee loo furay tababarkan ayaa siwada jir ah u balan qaaday in ay nidaamka sidii loogu talagalay uga hirgalinayaan gobolada iyo degmooyinka deegaanka iyo maamulada magaalooyinka DDSI si looga midho dhaliyo ujeedooyinka nidaamka laga leeyahay. Tababarkan ayaa socod doona muddo 7maalmood ah.
Comments are closed