Germany oo hakisay tarxiilka Qaxootiga reer Afghanistan

Germany (estvlive) 02/06/2017

Dowlada Germany ayaa si kumeel gaar ah u joojisay dadkii ay u tarxiili jirtay wadanka Afghanistan kadib qaraxii Arbacadii ka dhacay magaalada Kabul.

Weerarkii Bambaano ee Kabul ee todobaadkan ayey ku dhinteen dad ka badan 90 qof, waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya 460 qof.

 

Hogaamiyaha Germany Ms.Angela Merkel ayaa sheegtay in xukuumadeeda ay dib u eegis ku sameyn doonto xaalada amni ee dalka Afghanistaan, taasina keentay go’aankeeda ah in si KMG ah loo hakiyo qaxootiga dib loogu celiyo dalkaasi.

Wadanka Germany ayaa muddooyinkii danbe waday inuu dib ugu celiyo dalkooda Qaxootiga ka yimaada Afghanistan ee loo diido sharciga dal ku jooga Jarmalka

Comments are closed