Philippines: Weerar lagu qaaday Xarun dalxiis oo ku taal caasimada Manila

Manila (estvlive) 02/06/2017

Nin hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday xarun loo dalxiis tago oo ku taal caasimada dalka Filibiin ee Manila.

Weerarkan ka dhacay xarunta dalxiiska ee Resorts World Manila ayaa la sheegay inuu geystay nin ku hubeysnaa hubka darandooriga u dhaca, kaasi oo rasaas ku furay mid kamid ah xarumaha goobtaasi ku yaal oo lagu Khamaaro (Casino).

 

Ninkan ayaa la sheegay inuu dab qabad siiyey qeyb kamid ah xaruntaasi lagu khamaaro.

Ciidamada Amaanka iyo kuwa gurmadka deg degta ah ayaa goobta gaaray, iyadoo hawlgal muddo saacado ah qaatay ay halkaasi ka sameeyeen ciidamada sida gaarka u tababaran.

Booliiska ayaa saaka xaqiijiyey in meydka ninkaasi weerarka geystay ay ka heleen mid kamid ah qolalka Hotel goobtaasi ku yaal, waxayna sheegeen inay rumeysan yihiin inuu ninkaasi isdilay isagoona isgubay.

Weerarkan ayaa markii hore loo maleenayey inuu xiriir laleeyahay fal argagaxiso, balse booliiska ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in ninka weerarka geystay doonayey inuu dhac u geysto xarunta lagu khamaaro.

Dhacdadan ayaa kusoo beegantay xili Koonfurta dalkaasi ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya koox sheegtay inay ka tirsan tahay Daacish iyo ciidamada Militariga oo weli ku dagaalamaya magaalada Marawi ee jasiirada Mindanao.

Comments are closed