Goob joogayaal ayaa sheegay in Miinada loogu aasay ciidamada meel wadada dhaceeda ah, waxaana lala eegtay mid ka mid ah gadiid dagaal oo galbinayay wafdi ka tirsanaa dowladda oo ku sii jeeday degmada Jowhar.
Weerarada qaraxyada ayaa ku soo kordhaya gobolka Shabeellaha dhexe,waxana qaraxan uu noqonayaa kii labaad oo labo maalmood gudahood ka dhaca wadada laamiga ah ee isku xirta magaalada Jowhar iyo caasimada dalka ee Muqdisho.
Qaraxan ayaa imanaya xili isla maalin ka hor sidan oo kale qarax miino lala eegtay gaari dagaal oo ay la socdeen ciidamo duleedka magaalada Jowhar.
Comments are closed