Kolonyo ay la socdeen ciidanka Kenya oo lagu weeraray Gobolka Gedo

 Bardheere (estvlive) 06/06/2017

 

Kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda Kenya ayaa saddex qarax lagula eegtay degaanka Taraako oo qiyaastii 50km u jira magaalladda Bardheere ee Gobolka Gedo, sida dadka degaanka ay sheegeen.

Ciidanka la weeraray ayaa la sheegay in ay biyo ka dhaansanayeen War-biyood ku taalla degaanka.

Sidoo kale ilo wareedyadda ayaa ku waramaya in mid kamid ah gawaaridda ciidanka Kenya uu soo gaaray bur-bur, halka dhaawacyana ay soo gaareen askarta qaar.

Al shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka, iyagoona sheegtay in ay dileen qaar kamid ah askarta ciidamka Kenya ee qeybta ka ah Midowga Africa.

Shalay oo isniin aheyd, Saraakiisha ciidanka difaaca dalka Kenya, ayaa sheegay in ay dileen 14 kamid ah dagaalyahannada Al Shabaab, kadib duqeyn ka dhacday koonfurta dalka Soomaaliya.

Warbaahinta K24 TV, ayaa sheegtay in 14-ka dagaalyahanno ee la dilay ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan Al Shabaab.

Weerarka waxaa fuliyay diyaaraddaha dagaalka ee dowladda Kenya, waxaana duqeynta ay ka dhacday degaanka Abdiore oo 27Km u jira magaalladda Kismaayo.

Al shabaab, ayaa dhinaca kale waxaa ay isku dayeen in ay weeraraan saldhiga ciidanka dowladda Kenya, balse waxaa ka hortagay ciidanka Kenya, sida uu sheegay TV-gga K24.

Dhinaca kale warbaahinta Tuko, ayaa ku warantay in duqeynta ay dhacay 3-ddii bishan Jun.

Comments are closed