Waxaa manta oo khamiis ah si rasmi ah u gabagaboobay imtaxaankii heer qaran ee fasalka 12aad kaasoo socday mudo afar cisho ah islamarkaana ay imtaxaanka ufadhiisteen arday tiradoodu kor udhaafayso 9260 arday.
Hadaba, Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in imtixaankii heer qaran ee fasalka 12aad uu si rasmi ah u gabagaboobay islamarkaana uu jawi wanaagsan oo nabadglayo ah ku dhamaaday iyadoo imtaxaankana ay ufadhiisteen in kabadan 9260 oo ardayda deegaanka ah Kaasoo kadhacay 88 goobood oo deegaanka ah islamarkaana uu sanadkani yahay sanadkii ugu badnaa ee ardayda fasalka 12aad ee imtaxaanka ufadhiistay. Wuxuuna wasiirku intaa kudaray in sanadkan ay rajo fiican kaqabaan islamarkaana ay ardayd aad u badan heli doonaan natiijo wanaagsan taasoo suuragalinaysa inay helaan jaamacadaha dalka iyo culuumaha qaaliga ah ee sida dhakhtarnimo (MD) Engineering iyo culuumta kalae ee sayniska.
Si kastaba ha ahaatee imtaxaankan heerqaran ee fasalka 12aad ayaa jawi wanaagsan oo farxadi kudheehantahay kusoo gabagaboobay iyadoo laga filayo natiijo wax ku ool ah
Comments are closed