Inkastoo xisbiga Muxaafidka ee dalka Britian uu lumiyay kuraas badan oo baarlamaanka dalkaas uu ku lahaa doorashadii dhacday Khamiistii shalay, haddana dhinaca kale waxaan is casili doonin ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May natiijada awgeed.
Theresa May ayaa ku guuldaraysatay in ay xoojiso aqlabiyadda uu xisbigeeda ku lahaa baarlamaanka, ayadoo lagu wado inuu dhawaan furmo wadaxaajoodka uu dalkaasi kaga baxayo Midowga Yurub.
Marka laga soo tago in xisbiga Muxaafidka uu lumiyay kuraas aan laga fileyn oo tiro badan haddana wali waxaa la leeyahay waxaa xisbiga ugu weyn dalkaas Britain.
Waxaa la saadaalinayaa in xisbigeedu uu heli doono 318 xilhibaan, halka xisbiga shaqaalahana uu heli doono 261 xildhibaan, waxaa soo raaca xisbiga SNP oo isna la saadaalinayo inuu heli doono 35 xildhibaan.
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka, Jeremy Corbyn ayaa ugu baaqay Theresa May in ay iscasisho, laakiin May ayaa sheegtay in uu dalku u baahan yahay ”xasilooni” taasoo uu xisbigeedu keeni kara.
Doorashadan oo ah mid wakhtigeeda laga soo hormariyay oo ay ku baaqday ra’iisalwasaaraha dalkaasi Theresa May, waxaana isu diiwaangeliyay in ay codkooda ku dhawaad 46.9 milyan oo qof.
Codbixintan ayaa noqonaysa tii saddexaad oo dalkaasi ka dhacda muddo aan ka badnayn labo sano gudahood.
Doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday 2015 ayaa waxaa isu diiwaangeliyay inay codeeyaan 46.4 milyan oo qof.
Dadka u soo baxay doorashadii 2015, markii xisbiga muxaafidka uu ku guulaystay 331 ka mid ah 650 kursi, ayaa waxa ay aheyd boqolkiiba 66.4, taas oo ka sarreysay doorashadii 2010.
Comments are closed