Madaxweyne Farmaajo ma u hoggaansami doonaa cadaadiska Sucuudiga?

Muqdisho (estvlive)  10/06/2017

Waxaa banaanka u soo baxaya warar sheegaya in Boqortooyada Sucuudi Caraabiya ay cadaadis ku hayso Dowladda Soomaaliya sidii ay qayb uga noqon lahayd xasaradda ka dhex taagan dalalka Khaliijka Carabta ee xiriirka u jarey dalka Qatar isla markaana cunno-qabateyn ku soo rogey.

Sucuudiga ayaa war saxaafadeedkii u horeeyey ee arrintan ku shaciyey ka dalbadey dalalka walaalaha la ah sida ay hadalka u dhigeen in ay qaadaan talaabada ay qaadeen oo kale, waxaana arrintaas fuliyey dalal dhawr ah oo ku yaala qaaradda Afrika, sida Senegal, Maroco iyo Jabuuti.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aan dhex-dhexaad ah ka qaadatey khilaafka waxaana ay ku baaqdey in wada hadal lagu xaliyo loona maro ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka dalalka Islaamka.

Wefdiga Soomaaliya ee Sucuudiga

Sucuudiga waxaa booqasho ku jooga wefdi aad u culus oo u badan Wasiiro Dowladda Federaalka, booqashada ayaa ahayd mid sii qorsheysneyd kana dhalatey booqashadii Madaxweyne Farmaajo ku tegey Sucuudiga.

Golaha Wasiirada ee tirada badan ee ku sugan Sucuudiga ayaa qorshuhu ahaa in ay la kulmaan dhigooda dalka Boqortooyada Sucuudiga oo kala saxiixdaan heshiisyo iskaashi ah oo lagu hormarinaayo Soomaaliya.

Arrintaas ayaan dhicin waxaana Wasiirada Boqortooyada Sucuudigu ka baaqsadeen in ay qaabilaan kuwa Soomaaliya, waxaana beddelkoodi loo soo direy Agaasimayaal ka socdey Wasaaradaha qaarkood in ay la kulmaan. Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa VOA u xaqiijiyey in wasiirada Soomaaliya aysan la kulmin Wasiiro ka tirsan Boqortooyada.

Haddaba warar soo baxaya ayaa sheegaya in Sucuudigu Soomaaliya laba lagu kala dooransiinayo in ay xulafada Sucuudiga ee go’doominta Qatar ay soo raacdo ama ay hoos u dhigto xiriirka ay Qatar la leedahay iyada oo caadifad u muujineysa xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadka. Warar hoose ayaa sheegaya in Soomaaliya labadaba diidey ayna sheegtey in khilaafka aan loo baahneyn dhex-dhexaadna ay ka ahaanayaan.

Dowalddii hore ee Soomaaliya ayaa saddex khilaaf oo sucuudigu ku luglahaa midkasta la safatey Sucuudiga waxaana ugu danbeeyey kii dalka Iran.

 

Comments are closed