Itoobiya oo taageertey dhex-dhexaadinta Kuwait waddo ee xasaradda dalalka Khaliijka

Addisababa (estvlive) 11/06/2017

War saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in aysan sinaba u taagereyn, khilaafka dalalka Khaliijka, waxaana ay sheegeen in ay ciyaarayaan doorka ah in dalalka Khaliijku wada hadlaan oo nabad wada gaaraan.

Warka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in Dowladoodu ay taageersan tahay qorshaha nabadda ee Kuwait ay hormuudka ka tahay ee xal diblomaasiyadeed.

 

Maalintii shalay waxaa booqdey Adis-ababa wefdi ka socdey Sucuudiga oo doonaayey in ay Itoobiya ku qanciyaan in ay xiriirka u jaraan dalka yar ee Qatar.

Dalka Ereteeriya ayaa horey u diidey dalalb uga yimid dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka, sido kale Soomaaliya ayaa diidey in ay Qadar xiririka u jarto ama hoos u dhigto, waxaana ay warsaxaafadoodkii u horeeyey ku sheegeen in ay doorbidayaan in lawada hadlo.

Dalka Niger ee Galbeedka Afrika ayaa u danbeeyey kuwa u jaray xiriirka dalka Qatar kadib codsi Boqortooyada Sucuudigu u dirtey.

Dalalka Kuweyt iyo Cumaan oo kamid ah dalalka ku bahoobey GCC ayaan kamid noqon Xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadka ee lagu go’doominaayo dalka Qatar.

Comments are closed