Shirkan waxaa ka qaybgalaya Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, guddiga doorashadda KMG, Ururadda bulshadda rayidka ah ee Puntland iyo Siyaasiyiinta quudaraynaysa barnaamijka xisbiyadda Puntland.
Xubin ka tirsan guddiga doorashadda Puntland ayaa horseedmedia u sheegay in shirkan ay guddigu ku soo bandhigi doonaan Waxqabadka guddiga doorashooyinka KMG aj ee Puntland, Mudadii sanad iyo barka ahayd ee u guddigu jiray, Caqabadaha shaqo ee guddiga hadda horyaal iyo talada guddiga doorashooyinka ee xilligan.
Inta uu socdo shirkan, waxaa la filayaa inay dhacdo dood dhexmari doonto xukuumadda iyo guddiga doorashadda oo isku dhinac ah iyo siyaasiyiinta iyo ururadda bulshadda rayidka oo isku dhinac, taasi oo saxaafadu ay banaanka ka noqon doonto.
Gabagabadii, Barnaamijka Xisbiyadda Puntland oo sanad ka hor la daahfuray, islamarkaana guddiga doorashadu ay ku dhawaaqeen in la furan karo xisbiyo siyaasadeed, ayaan ilaa hadda ayan jirin xisbi siyaasadeed oo iska diiwaangaliyay guddiga doorashadda.
Comments are closed