Ra’iisal wasaare Kheyre oo Siweyn Laagu Soo Dhaweeyay gaaray magaalada Addis Ababa

Addisababa (estvLive) 12/06/2017

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaa oo uga qeybgali doono shir madaxeedka urur gobolleedka IGAD.

Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha oo saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ku soo dhoweeyeen Garoonka diyaaradaha Bole International Air Port. oo ka mid ahaa Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirka Wasaarada Gaadiidka Itoobiya Axmed Shide

Ka qeyb galka ra’iisul wasaaraha ee shirka IGAD ayaa timid kaddib markii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka baaqday ka qeybgalka shirka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu joogo Addis Ababa ayaa waxaa uu la kulmi doonaa Madaxda wadamada IGAD ee shika ka qeyb galaya.

Shirka Urur goboleedka IGAD ayaa looga hadlayaa colaadaha iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka Koofurta Sudan, iyadoo shirkan uu todobaadkii hore ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo shir guddoonka shirka ah.

Safarka ra’iisul Wasaaraha ku tagay Itoobiya ayaa ah kii u horeeyay ee wadamada deriska ku tago, sidoo kale waa safarkii labaad ee uu dibadda ugu ambabaxo.

Comments are closed