Mohamed Cabdulraxman Al Thani ayaa sheegay in Qatar ay diyaar u tahay inay xal u hesho khilaafka balse aysan diyaar u ahayn inay wax gorgortan ah ka gasho Siyaasadooda arrimaha dibada iyo arrimaha u gaarka ah iyaga.
“….Siyaasadeena arrimaha dibada waa mid aan u madax banaanahay, isla markaana aan ku saleyno waxaan u aragno wanaaga iyo wadada saxan, arrimaha gudaha ee Qatarna waa kuwo aan u madax banaanahay anaga, sida Telefishinka Aljazeera marnaba arrintaasi gorgortan kama galeyno…” ayuu yiri Wasiirka oo intaasi raaciyey in Qatar ay ka codsaneyso dalalka Sacuudiga iyo xulafadiisa inay cadeeyaan farogelinta ay sheegayaan in Qatar ku heyso dalalkooda.
“…Eedeynta ay sheegayaan inaan farogelinay arrimahooda u gaarka ah, hadii ay jiraan hasoo bandhigaan, anagana waxaanu soo bandhigaynaa jawaabteena….” ayuu yiri Wasiirka oo saxaafada kula hadlayey magaalada Paris.
Comments are closed