“Waxaa laga mamnuucay dhammaan qofkasta oo ay ku jiraan Mas’uuliyinta dowladda in magaalada Muqdisho aysan ku dhex wadan karin ilaalo ka badan 4 askari iyo ugu badnaan 2 gaari, mana qaadan karaan qori ka wayn AK47”.
Si loo dhaqangeliyo go’aankaasi ayuu Wasiirka Amniga ugu qabtay Xildhibaananda labada aqal, Xubnaha Golaha Wasiirada iyo dhammaan Mas’uuliyiinta kale ee dowladda in muddo afar iyo toban maalmood (14) gudahooda ay ku soo diiwaan geliyaan ilaalada gaarka ah iyo Hubka ay sitaan, waxayna diiwaan gelinta ka bilaabaneysaa xarunta Hogaanka Dambi baarista (C.I.D).
ugu dambayntii, Tan iyo markii la bilaabay qorshaha xasilinta caasimadda Muqdisho waxaa aad hoos ugu dhacay qaraxyadii iyo dilalkii qorshaysnaa ee ka dhici jiray muqdisho, iyadoo intii ciidamadii milateriga laga saaray gudaha caasimadda.
Comments are closed