Dabka ayaa dhashay xili saqdhexe ah oo ay in badan oo kamid ah dadka hurdeen, waxaana hada su’aalo badan la iska weydiinayaa sababta uu sida degdegta ah dabkaasi ugu faafay daartaasi dheer.
Dadka ku noolaa daartaasi ayaa sheegay in aan dhismahaasi lagu rakibin biyaha dabka ka hortaga iyo waliba Alarmka loogu talo galay in dadka uga digo hadii uu dab qabsado goobtaasi.
Waxaa iyadana su’aalo la iska weydiinayaa dayactir dhawaan lagu sameeyey daartaasi inay qeyb ku lahayd in dabka si fudud ugu faafo guud ahaan dabaqyada uu dhismahaasi ka koobnaa.
Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay inay dhawaan bilaabi doonto baaritaan balse hada ay xooga saarayaan sidii loogu gurman lahaa dadka khasaaraha soo gaaray, sida ay sheegtay Raysalwasaaraha Theresa May.
Dhalinyaro Muslimiin ah
Dhalinyaro muslimiin ah oo kasoo noqday Salaada Taraawiixda ayaa ahaa kuwii ugu horeeyey u gurmaday dadka iyagoo bilaabay inay dadka uga digaan dabkan daarta qabsaday, arrintaasi oo badbaadisay dad aad u badan oo iyagoo bad-qaba halkaasi isaga baxay.
Dhismahan ayaa kamid ah kuwa ay dowladaha hoose dadka dejin jireen, waxaana kamid ahaa dadka halkaasi ku noolaa dadyow dalal badan kasoo kala jeeda oo ay ku jiraan qoysas badan oo muslimiin ah oo ay ku jiraan Soomaali.
Comments are closed