USA: Baaritaan lagu wado ninkii weeraray Xildhibaanada Jamhuuriga

Mareykanka (estvlive) 15/06/2017

Ugu yaraan sadex qof ayaa ku dhaawacmay weerarkii Arbacadii shalay ka dhacay duleedka magaalada Washington DC ee caasimada Maraykanka.

Nin ku hubeysan qori ayaa rasaas la beegsaday goob ay ku ciyaarayeen qaar ka tirsan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanka oo u badnaa xisbiga Jamhuuriga.

 

Weerarkan ayaa waxa ku dhaawacmay Xildhibaan Steve Scalise oo ka tirsan guddoonka Baarlamaanka oo lagu tilmamoo ninka sadexaad ee ugu aawooda badan Baarlamaanka Maraykanka.

Waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay mid kamid ah xogheynta Xildhibaana iyo labo askari oo illaalo u ahayd xildhibaankaasi la dhaawacay.

Xildhibaan Steve Scalise ayuu soo gaaray dhaawac culus waxaana lagu sameeyey qaliin deg deg ah. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xildhibaanka la dhaawacay ku booqday isbitaalka.

Sawir hore: Xildhibaanka Stephen Scalie iyo Donald Trump

Illaalada xildhibaanka ayaa ku guuleystay inay dilaan ninkan hubeysan oo magaciisa lagu sheegay James T. Hodgkinson oo ahaa 66 sano jir, ninkan ayaa la sheegay inuu cadaawad weyn u qabay xisbi Xaakimka talada haya ee Jamhuuriga Maraykanka.

Ninka weerarka geystay ayaa in muddo ah ka cabanayey sharciyada ay ansixiyaan xisbi xaakimka Jamhuuriga

Booliiska ayaa baaritaan ku wada dhacdadan iyadoo la sheegay in ninka weerarkan fuliyey uu horey bartiisa Facebook ugu qoray cadaawada uu u qabo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga oo uu sheegay in loo baahan yahay in dhamaantood laga takhaluso.

Comments are closed