Weerarkii Pizza House: Hawlgalkii ciidamada Amniga oo lasoo afjaray

Muqdisho (estvlive) 15/06/2017

Weerarkii habeenimadii xalay ay kooxda Al Shabaab ku qaaday makhaayada Pizza House ee ku taal magaalada Muqdsiho ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen in ka badan 20 qof.

Weerarkan isugu jiray qaraxyo iyo duulaan ay soo qaadeen maleeshiyaadka Al Shabaab oo aad u hubeysnaa ayaa qaatay muddo saacado ah iyagoo goobtaasi kula dagaalamay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan.

 

Ciidamada dowlada ayaa ku guuleystay inay goobta kasoo badbaadiyaan qaar kamid ah dadkii rayidka ahaa ee halkaasi ku caweenayey iyo waliba shaqaalaha xaruntaasi oo ay ku jiraan kuwo ajaanib ah.

Makhaayada Pizza House ayaa kamid ah goobaha sida weyn loogu caweeyo magaalada Muqdisho, kana mid ah makhayaadaha ugu bilicda wanaagsanaa oo ay inta badan booqdaan shacabka.

Kooxda Al shabaab ayaa sheegatay weerarkan isla markaana sheegtay inay sidoo kale dooneysay inay weeraraan Hotel Posh oo goobtaasi ku dhaw, balse uu weerarkaasi ka fashilay.

Ciidamada ayaa xalay xiray dhamaan wadooyinka taga goobta weerarka ka dhacay oo ka tirsan degmada Hodan, waxaana adkeyd in xog dhameystiran laga helo khasaaraha ka dhacay goobtaasi oo saaka loo fasaxay inay booqdaan qaar kamid ah saxaafada.

Dowlada Federaalka ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay hawlgalo balaaran oo amniga lagu sugayo ka waday caasimada Soomaaliya, mana jirin weeraro waaweyn oo dhacay xiligan lagu jiro ee bisha Barakeysan ee Ramadan oo ay Al Shabaab horey u sameyn jireen weeraro iyo qaraxyo aad u waaweyn.

Comments are closed