Waxaa laga shakisan yahay in miinada ku qaraxday Baabuurka ay wadada ku aaseen ururka Al-shabaab oo dagaal ku jira ciidamadda Kiiniya ee ka howlgala koofurta Soomaaliya
Guddoomiyaha gobolka waqooyi bari Maxamuud Saalax ayaa sheegay in saddex ka mid ah dadka dhintay ay isla goobta ku geeriyoodeen, waxaa kaloo uu sheegay in dadka qaarkii ay qabaan dhaawacyo halis ah
“Baabuurkan wuxuu isticmaalay wado looga digay in dadka shacabka ahi ay adeegsadaan, waxaan ku xaqiijinaya in afar qof ay ku dhinteen qaraxan, 11 kale ku dhaawacmeen,wadadan waa khatar waxay u dhowdahay xuduuda” sidaas waxaa warbaahinta kiiniya u sheegay guddoomiyaha
Bishii aynu soo dhaafnay ee May, ilaa 30 qof oo 2o kamid ah ay yihiin ciidamadda booliiska kiiniya ayaa ku dhintay miinooyin lagu aasay wadada dhinaceeda iyo weerar kale oo la aamisan yahay in ay soo qaadeen ururka Al-shabaab.
Comments are closed