Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu horreyntii warbixin kooban ka siiyey Xoghayaha Guud xaalada dalka iyo horumarka lagu tallaabsaday dhanka amniga, siyaasada iyo qorsheyaasha dowladda ee ku aadan sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa doorashooyin hal cod iyo hal qof ah 4ta sano ee soo socota.
Sidoo kale Wasiir Eng. Yarisow ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dib u soo nooleynta dalxiiska oo muhiim u ah Soomaaliya loona baahanyahay in loo sii diyaargaroowo bacdamaa uu dalku horumar dhanwalba ah uu ku tallaabsanayo.
Mr Taleb D. Refai, Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka (WTO) ee Qaramada Midoobey ayaa Wasiir Eng Yarisow uga mahadceliyey booqashadiisa, soona dhoweeyey dadaalka iyo qorshaha dib u soo nooleynta dalxiiska Soomaaliya. Mr Refai ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan goob istraatejiyad ah ku taal oo ku wanaagsan dalxiiska, haddana ay tahay waqtigii Soomaaliya laga saacidi lahaa dib u soo nooleynta dalxiiska. Mr Refai ayaa caddeeyey in Hay’ada Dalxiiska Adduunka ay diyaar u tahay in wax walba ay la qabtaan Soomaaliya, ha noqoto sidii caalamka loogu bandhigi lahaa qorsheyaasha iyo istraatejiyada Soomaaliya iyo sidii shirkadaha caalamiga ah loogu ololeyn lahaa inay Soomaaliya dalxiiskeeda maalgashi ku sameystaan.
La Taliyaha Arrimaha Dalxiiska ee Soomaaliya Yasir Baffo oo la socday Wasiir Eng. Yarisow ayaa Hay’ada Dalxiiska Adduunka (WTO) u bandhigay warbixin maqal iyo muuqaal ah ee dalxiiska, soona bandhigay goobaha dalxiiska ku habboon. WTO ayaa aad uga heshay warbixinta oo ay soo jeeditay, sheegtayna caalamka in loo bandhigo si ay u ogaadaan in Soomaaliya ay tahay meel ku habboon dalxiiska.
Comments are closed