Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa kormeeray inta badan degmooyinkii ay howlgallada xasilinta caasimaddu ka socdeen, gaar ahaan Wadajir, Hodan, Howl-wadaag, Wardhiigleey, Yaaqshiid, Waaberi, Xamar-weyne, Shangaani iyo Cabdalcasiis, isagoo ka wareystay Ciidammada qaabka ay waajibaadkooda shaqo u gudayaan, waxana uu markaa kadib Ra’iisul Wasaaruhu tagey isgoyska tarabuunka isagoo dhalinyaro halkaasi ku caweysnaysay ka wareystay sida ay u arkaan xasillinta caasimadda, kulana dar-daarmay in gacan ay siiyaan ciidamadda amniga.
Raysalwasaaraha waxaa istaajiyey qaar kamid ah ciidanka ilaalada ka hayey isgoysyada, waxa uu ka dhegaystey warbixino la xiriira amniga magaalada, waxaana uu abaal marin guddoonsiiyey askarta ilaalada haysey.
Raysalwasaraaha ayaa isgoyska Tarabuunka dhalinyaro ciyaarta kibriidka ku ciyaarayey la fariistey oo la ciyaarey isaga oo dhulka fariistey, waxaana uu dhalinyarada ka waraystey xaaladda nabadda, iyo hgawlgalada socda, dhalinyarada ayaa si weyn ugu farxay in Raysalwasaare Soomaaliyeed la fariisto lana ciyaaro.
Mudane Kheyre ayaa sidoo kale Isgoyska Sanca waxa uu kula kulmey dhalinyaro kubad ciyaaraysa kuwaas oo si weyn ugu farxay booqashada Raysalwasaare Kheyre, waxaana uu ka waraystey wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidanka xasilinta Muqdisho, sida ay u arkaan xaaladda socota iyo waxyaabo kale.
Booqashada Rayslawasaaraha ayaa la dhihi karaa waxay ahayd mid uu ku dhiirigelinaayey nabadda Muqdisho iyox asilinta isla amrkaana ugu kuurgalayey waxa habeenkii ka socda Mqudisho.
Xasan Cali Kheyre Raysalwasaaraha xukuumadda federaaliga ah ayaa muddo dheer ka soo shaqeeyey arrimaha bini’aadanimada iyo gar-gaarka, waxaana uu khibrad dheer u lee yahay la shaqeynta dadka nugul iyo dhacabka caadiga ah.
Comments are closed