Hiiraan: Al-Shabaab oo mar kale weerar ku qaadey ciidanka Jabuuti ee ku sugan Buulaburde

Buula-burde (estvlive) 18/06/2017

Wararka ka imaanaya degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in habeenkii xalay dagaal ka dhacay halkaas, kadib markii koox ka tirsan Malayshiyada al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka AMISOM ee Jabuuti ay ku lahaayeen degmada Buulaburte.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku soo gaarey subaxnimadii hore ee maanta oo Axad ah.

 

Ma jirto faah-faahin dheeraad ah oo laga hayo dagaalka. AMISOM weli wax war ah kama soo saarin, halka al-Shabaab ay sheegteen in ay dileen ciidamo badan oo ka tirsan AMISOM.

Waa markii labaad ee saldhiggaas la weeraro muddo laba maalmood gudaheed ah.

Comments are closed