Tartanka ardeyda ayaa loo qaybiyey afar kuwaas oo qaarba in ay qur’aanka kariimka inta ay ka xifdisan yihiin ay ku tartamee, waxaana jaa’isa ugu sareysa qaatey ardeygii ku guuleystey tartanka dhamaan qur’aanka oo dhan.
Saddexda ardey ee kaalimada ugu saraysa galay ayaa ahaa:
Madaxweynaha Puntland ayaa ku amaanay waalidka dhalay caruurta ka qayb qaadatay tartanka iyo macalimiinta wax soo baray sida wanaagsan ee ay usoo gacan qabteen una soo barbaariyeenb caruurtooda qur’aanka dusha ka xifdiyey.
“…Mahad waxaa iska leh intii soo qaban qaabisay xafladda, mahad waxaa iska leh macalimiintii wax ssoo baray dhalinyarada tartanka ka qayb qaadatay, mahad waxaa iska leh waalidiintii sida wanaagsan u barbaariyey, dedaalka geliyey inay soo saaraan jiil wanaagsan oo akhalaaqiyaad fiican leh iyana aad iyo aad bay u wanaagsan yihiin”. ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa guddiga ka codsadey sanadkan wixii ka danbeeya in ay qabtaan tartan gabdhaha ah, oo iyagana waxbarashada iyo qur’aanka lagu dhiiri geliyo ee aan laqaban keliya wiilasha.
Guddiga tartanka qur’aanka ayaa Madaxweynaha guddoonsiiyey shahado abaal marin ah, taas oo ay ugta mahad celinayaan dhiirigelintiisa isaga oo sanadkatsa kala soo qaybgala munaasabadda tartanka qur’aanka kariima ee gobolada Puntland.
Comments are closed