Mali: Koox hubeysan oo weeraray Hotel Ajaanibta ku badan yihiin

Mali (estvlive) 19/06/2017

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay weerar Axadii ka dhacay hotel loo dalxiis tago oo ku yaal duleedka magaalada Bamako ee caasimada dalka Mali.

Weerarkan ayaa la rumeysan yahay inay geysteen maleeshiyo ka tirsan kooxaha xagjirka ah ee Mali ka dagaalama, kuwaasi oo bartilmaamsaday hotelada ay booqdaan ajaanibta ku sugan magaalada Bamako.

Dadka weerarkan ku dhintay ayaa la xaqiijiyey inuu ku jiro qof heysta dhalashada dalka France.

Ciidamada Dowlada Mali iyo kuwa Faransiiska ee magaalada ku sugan ayaa sheegay inay soo afjareen weerarkaasi isla markaana hayaan meydadka kooxdii weerarka geystay oo ku hubeysnaa hubka daraan-dooriga u dhaca

Comments are closed