Saraakiisha militariga Filibiin ayaa sheegay in maleeshiyaad gaaraya 200 ay gudaha u galeen magaalada Pigcawayan, halkaasina uu hada ka socdo iska horimaad u dhaxeeya ciidamada iyo maleeshiyaadkaasi la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda la baxday Bangsamoro Islamic Freedom Fighters (BIFF).
Illaa iyo hada lama oga khasaaraha dagaalkan cusub ka dhashay, waxaana sidoo kale la ogeyn in dagaalkan uu la xariiro midka todobaadyadii lasoo dhaafay ka socday magaalada Marawi oo ay weli ka dhex dagaalamayaan koox sheegtay inay ka tirsan tahay Daacish.
Comments are closed