Haddaba, xafladii xadhiga lagaga jarayay carwadan waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin heer deegaan ah oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane ahmed shugri, wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane cabdi bile , wasiir kuxigeenka xafiiskadhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI DDSI mudane cabdishakuur cisaan , gudoomiyaha ururka fadareeshinka dhalinyarada DDSI mudane maxbuub ismaaciil ahmed, maareeye kuxigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane xasan cali iyo masuuliyiin kale.
Waxaana ugu horayntii ka hadlay xafladan wasiir ku xigeenka xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudan axmed shugri oo ka warbixiyay ahmiyada ay leedahay carwadani islamakaana ka warbixiyay jihooyinka iyo istaraatajiyadaha u dajisan dalka iyo deegaanka ee ku saysan ka midho dhalinta hiigsiga hirgalinta qorshayaasha horumarineed. Wauuna intaa kudaray wasiir kuxigeenku in carwadan maanta xadhiga laga jaray ay qayb ka tahay dadaalada lagu tir tirayo saboolnimada iyo shaqo la’aanta islamar ahaantaana tahay carwo dhiiragalinaysa Ganacsiga dhalinyarada dalka korna u qaadaysa shaqo abuurka dhalinyarada .
Sidookale, waxaa iyana xadhig kajarkana carwo bandhigeeda ka hadlay wasiirka xafiiskadhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane cabdi bile iyo gudoomiyaha ururka fadareeshinka dhalinyarada DDSI mudane maxbuub ismaaciil xuseen kuwaasi oo ka warbixiyay ahmiyada ay dhalinyarada u leedahay carwadani islamarkaana ay qayb ka tahay qorshayaasha lagu hirgalinayo shaqo abuuritaanka dhalinyarada iyo la dagaalanka shaqo la’aanta waxayna ku soo beegan carwadan balaadhan wakhti si balaadhan loogu diyaar garoobayo munaasabada wayn ee ciidul-fidrida oo ay maalmayari inooga hadhsan tahay.
Ugudanbayntii, carwadan oo halku dhag loogu dhigay waxaan xoojinaynaa kor u qaatidaanka horumarka nabadgalyada, maamulka suuban iyo dimuqoraadiyada ayaa waxaa xadhiga si wada jir ah uga jaray wasiirka xafiiska ciyaaraha iyo dhalinyarada DDSI mudane Cabdi Bile, wasiir ku xigeenka xafiiskaganacsiga iyo gaadiidka DDSI mudane axmed shugri, maareeye kuxigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane xasan cali iyo gudoomiyaha ururka faderaashinka dhalinyarada DDSI mudane maxbuub ismaaciil .
Comments are closed