DAAWO Muqdisho Oo Looga Dabaaldegay Xuska 26 June-Video

Muqdisho (estvlive) 26/06/2017

Munaasabad Balaaran oo loogu dabaal dagayay Xuska 26-ka June ayaa ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana ka qaybgalay qaar ka mid ah Madaxda Qaran iyo Marti sharaf badan,

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaaladda muqdisho kaga qaybgalay munaasabad lagu xusayay Maalinta 26 June oo ah marki xoriyada ay qaateen goboladda waqooyi ee dalka.

 

Madaxweynaha  oo xalay khudbad dheer  ka jeediyay munaasabada waxaa uu xusay Guushii la gaaray 26-kii June 1960-kii ay ku timid Halgan dheer oo Soomaaliya oo dhan ay ka qayb qaadatay.

“Halgankaasi dheer waxaan ka dhaxalnay labo Arrimood oo kala ah Farxad iyo Dhib, Farxadu waxay ahayd inaan helnay Xornimo weyn, laakiin Guul darada ayaa ah Barakac, Qaxooti iyo Burbur ay sababeen dagaaladii Sokeeye.” ayuu yiri Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynuhu  wuxuu sidoo kale sheegay in maalintaan oo kale ay tahay maalin ku wayn dhammaan shacabka Soomaaliyeed wuxuuna Hambalyo u diray dhammaan umadda Soomaaliyeed Meel kasta oo ay joogaan.

dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta federaalka C/rixmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” oo ku hadlay Afka Guddiga Qaban qaabada Munaasabadaha Qaranka ayaa sheegay in shacabka iyo madaxda Qaranka oo isla socda ay u soo baxeen xuska 26-ka June waxaana uu ka mahadceliyay hay’adaha Ammaanka iyo Warbaahinta oo si wayn isaga xilsaaray Xuskaan oo aad ugu wayn Umadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa tilmaamay in 26-June ay tahay maalintii Calan Soomaaliyeed ee Xor ah laga taago wadan Soomaaliyeed oo Xor ah.

Comments are closed