DAAWO Kulan Lagu Soo Bandhigayay Daraasaad Laga Soo Sameeyay Degmooyinka Deegaanka.

Jigjiga (estvlive) 29/06/2017

 

Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee huteelka city crown kulan lagu soo bandhigayay daraasaad laga soo sameeyay dhamaan degmooyinka deegaanka kaasi oo ku salaysan sidii loo ogaan lahaa xaaladaha ee jiri kara 6 bilood ee soo socda iyo sidii loo hirgalin lahaa qorshaha loogu diyaar garoobilahaa  saamaynta ka imankarta xaaladaah isbadalka cimilada ee 6da bilood ee soo socda.

 

Kulankaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiisaka ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane xuseen maxamed xasan, masuuliyiin ka socda  xafiisyada heer deegaan ee ay bah-wadaagta yihiin xafiiska iyo masuuliyiinka socday hay’adaha aan dawliga ahayn ee ay bah-wadaagta yihiin xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI.

 

Waxaana, ugu horayntii ka hadlay kulankaasi wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI mudane xuseen maxamed xasan oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka kulankan isaga oo sheegay in uu yahay kulan socday 2 maalmood oo lagu soo bandhigayay daraasaadyo laga soo sameeyay dhamaan degmooyinka deegaanka kaasi oo ku qotoma soo ogaanshaha xaaladaha baahiyaha jiri kara 6 bilood ee soo socda iyo sidii looga gaashaaman lahaa saamaynta ay keeni karto cimilada isbadashay wuxuuna wasiirku intaasi ku daray in mudada uu kulanku socday lagu qaadaa dhigayay hirgalinta qorshaha wax lagaga qabanayo isbadalka cimilada sidoo kalena lagaga hortagayo dhibaatooyinka ka imankara isbadalka cimilada.

Comments are closed