Hay’ada MCDO Oo Deeq Agab Ah U Qaybisay Arday Isugu Jirta Agoon Iyo Danyar.

Jigjiga (estvlive) 29/06/2017

Hay’ada horumarinta hooyada iyo dhalaanka ee marka afka qalaad la soo gaabiyo loo yaqaano (MCDO) oo kaashanaysa hay’ada CCRD ayaa deeq agab ah oo isugu jirta dhar, buugaag, noocdayada qalimaanta, boorsadaha lagu qaato buugaagta iyo dharka u qaybisay 700 oo ardayda  oo wax ka barata dugsiyada maamulka magaalada jigjiga kuwaasi oo isugu jira ardayda agoonta ah iyo kuwa danyarta ah.

 

Munaasabadii lagu wareejinayay agabkan oo ka dhacday hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI ee magaalada jigjiga  ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday maamulka magaalada jigjiga iyo masuuliyiinka socday hay’ada horumarinta hooyada iyo dhalaanka (MCDO).

Waxaana, ka hadlay munaasabadaasi madaxa xafiiska maayirka magaalada jigjiga mudane Cabdicasiis Mahad oo ugu horayntii u mahad celiyay hay’ada horumarinta hooyada iyo dhalaanka ee deeqdan ugu talagalay in ay soo  gaadhsiiyaan ardayda danyarta ah iyo kuwa agoonta ah ee wax ka barta dugsiyada maamulka magaalada jigjiga isaga ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay agabkani gaar ahaan dhiiragalinta wax barashada ardayda danyarta ah ee wax ka barata dugsiyada maamulka magaalada jigjiga.

Faysa Cabdilaahi Ibraahin oo ka mid ah masuuliinta ka socoday hay’ada horumarinta hooyada iyo dhalaanka oo ka hadashay goobta agabkan lagu qaybinayay  ayaa sheegtay in deeqdan agabka ah oo isugu jirta dhar, buugaag, qalimaan, noocyada kala duwan ee boorsadaha ay u qaybiyeen 700 oo arday kuwaasi oo laga soo kala xulay 10 isguul oo ka mid ah dugsiyada maamulka  magaalada jigjiga gaar ahaan ardayda danyarta ah iyo kuwa agoonta ah ujeedada deeqduna tahay sidii wax barashada loogu dhiiragalin lahaa ardaydan.

Gabagabadii munaasabadan ayaa  waxay masuuliyiinta ka socoday hay’adan horumarinta hooyada iyo dhalaanku ku wareejiyeen deeqdan agabka ah masuuliyiinta ka socday maamulka magaalada jigjiga iyada oo isla goobtaasi loogu qaybiyay ardaydii laga soo kala xulay dugsiyada maamulka magaalada jigjiga.

Comments are closed