Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Norway Børge Brende iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka midyahay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.
Waxaa lagu wadaa in xubnaha Wafdigaan goor dhow ay madaxtooyada Soomaaliya kula kulmaan madax ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Dowladda Norway ayaa waxay ka mid tahay dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya isla markaana ka mid ah dalalka danjirayaashooda ay ka joogaan dalka.
Dhawaan ayeey ahayd markii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu dalka Qadar kula kulmay Børge Brende, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal.
Sidoo dowladda Norway waxaa aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliyeed ka dib markii dalkaasi ay booqdeen masuuliyiin ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayay agaasimaha hay’addaas.
Comments are closed