Gobolka Nogob iyo Ciyaarihii Kubada Cagta Oo Kabilowday Degmada Garbo

Garbo (estvlive) 01/07/2017

Waxaa si rasmi ah uga furmay degmada Garbo  Ciyaarihii kubada cagta ee dhamaan degmooyinka Gobolka nogob taaso ay furitaankeedii kasooqaybgaleen masuuliyiinta ugu saraysa gobolka nogob oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Nogob mudane  Axmed Aadan Axmed iyo mas’uuliyiin kale.

 

Hadaba, Gudoomiyaha Gobolka Nogob mudane Axmed Aadan Axmed oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in si rasmi ah ay u bilawdeen ciyaarihii kubada cagta ee dhamaan kooxaha kubada cagta ee degmooyinka gobolka Nogob islamarkaana  ay maanta wada ciyaareen kooxda kubada cagta ee degmada Garbo iyo degmada Sagag iyadoo ciyaartana ay guushu  ku raacday degmada Garbo oo kubadisay 1-0. wuxuuna gudoomiyuhu xusay in maalinkii shalay ahayd lagu furay ciyaarta kooxda kubada cagta ee kasocotay degmada ceelwayne ee xarunta gobolka Nogob iyo Degmada xaraareey. Halkaasoo guushu kuraacday degmada ceelwayne oo kubadisay 4-0. Sidookale  galinkii hore ee maanta ayaa waxaa iyana wada ciyaaray degmada Dhuxun iyo  Degmada cayuun halakaas oo ay guushu kuraacday degmada Dhuxun, kunabadisay 2-0.

dhanka kale, Gudoomiyaha ayaa xusay in ciyaaruhu ay u socdaan si quruxbadan oo nabad iyo isjacayli kudheehantahay.

Sikastaba ha ahaatee, ciyaarahan oo ah mid koob lagu kalaqaado, sanadwalbana looqabto kooxaha kubada cagta ee degmooyinka gobolka ayaa lafilayaa inay bari wada ciyaaraan 2da kooxood ee kala ah degmada cayuun iyo xaraarey.

Comments are closed