Munaasibadan qalinjabinta dufcadii 9aad ee ardayda jaamacada Jigjiga ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane mudane Cabdi Maxamuud Cumar, masuuliyiinta ugu saraysa jaamacada Jigjiga oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha jaamacada madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Dr cabdicasiis ibraahin, hogaaminta odayaal dhaqameedka DDSI waalidiinta ardayda qalinjabinaysa, kooxaha fanka iyo sugaanta ee deegaanka iyo dalka iyo marti sharaf kale.
Waxaana munaasabadan ugu horayntii ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn u hambalyeeyay ardaydan qalinjabisay maanta islamarkaana u mahad celiyay dadaalka ay wado jaamacada jigjiga madaxwaynaha ayaa sheegay in isbadalka horumarineed ee ka jira dalkeena itoobiya ay suurta galiyeen aqoon yahanada kala duwan ee ka soo qalinjabiyay jaamacadaha kala duwan ee dalka madaxwaynaha DDSI ayaa ku booriyay in ka midho dhaliyaan aqoonta ay sanadaha baray baranayeen. Wuxuuna madaxwaynaha DDSI sigaar ah ugu mahad naqay shaqalaha dawlada ee iyaga oo waajibaadkoodii shaqo gudanaya maanta qalinjabinay
Dhankiisa madaxwaynaha jaamacada jigjiga Dr cabdicasiis ibraahin oo ka hadlay munaasabadan ayaa bogaadinta iyo hambalyada uu u jeedayay ardaydan ka dib ka warbixiyay dadaalada iskaashi ee ay dawlada jfdi iyo dawlada deegaanku ugu jiraan kor u qaaditaanka tayada waxbarashada dalka gaar ahaan deegaanka somalida itoobiya si loo soo saaro cudud aqoon yahan oo ku gaashaaman aqoon iyo xirfado ay ugu adeeegaan shacabkooda isaga oo tilmaamay in ay maalinba maalinta ka danbaysa kor u sii kacayso heerka aqooneed ee ay jaamacada jigjiga bixiso madaxwaynaha jaamacada ayaa sidoo kale sheegay in ay jaamacadu dadaal balaadhan ugu jirto sidii ay kaalin wayn uga qaatan lahayd wax ka qabashada dadaalada lagu horumarinayo bulshada dawlada deegaanka somalida itoobiya.
Ardaydan maanta qalinjabisay oo ay tiradoodu dhan tahay 4,738 arday isugu ,heerka koowaad degree iyo heerka 1aad masterta ayaa, isugu jira ah ardayda joogtada ah iyo ardayda aan ku xeraysnay jaamacada . waxaana xusid mudan in dufcadan maanta qalijnabisay tahay dufcadii ugu badnayd ee tan iyo intii la aas aasay jaamacada jigjiga
Gabagabadii munaasabadan qalinjabinta waxaa abaalmarino la gudoonsiiyay ardaydii gashay kaalmaha hore dhinaca dhibcaha.
Comments are closed