Sanadkii la soo dhaafey dhoofka dalka Iran ee ku socda Soomaaliya waxa uu gaarey $22 Milyan oo dollar, waxaana muddo laba sano ah uu kor u kacay $8milyan oo dollar taas oo gaartey dhaafey $30milyan dollar.
Waxyaabaha Iran u dhoofiso Soomaaliya waxaa kamid ah Sharaabka, Shimiitada iyo Daawooyinka, sida lagu yiri warka FNA ay qortey.
Xiriirka Siyaasadda ee Iran iyo Soomaaliya ayaa xumaadey sanadkii 2015, kadib markii Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud xiriirka diblomaaiyadeed u jartey Iran, amarna ku bixisey in Diblomaasiyatiinta Iran iyo kuwo kale oo Samafayalaal dalka ku joogay ay isaga baxaan Soomaaliya. Sababta ugu weyn ee xiriirka xumaadey ee Soomaaliya iyo Iran ayaa ka danbeysey kadib markii Sucuudigu uu ka codssadey dalalka sunniga ah ee ay saaxiibka yihiin sidaas.
Comments are closed