Raysalwasaare Kheyre oo Adis Ababa uga qaybgalaya shirka Midowga Afrika

Muqdisho (estvlive) 02/07/2017

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta safar ugu baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Kheyre ayaa ka qeyb galaya shirkii 29aad ee ururka Midowga Afrika. Shirka ayaa subaxnimada isniinta ee 03 Luuliyo ka furmanaya xarunta Midowga Afrika ku leeyihiin Adis Ababa.

 

Shirkan ayaa looga hadlayaa, ka faaideysiga iyo maalgelinta dhalinyarada Afrika, dib u qaabeynta ururka AU iyo dejinta miisaaniyaddiisa cusub, waxaana halku-dhig looga dhigay (Harnessing the Demographic Dividend through Investments in the Youth)

Shirkan ayaa lagu wadaa in ay ka soo qaybgalaan hoggaamiyaasha iyo Madaxweynayaasha Midowga Afrika.

Comments are closed